4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Ra'iisul ku-xigeenka Soomaaliya oo daahfuray imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare

Sabti, May 11, 2019 (HOL)- Raiisul wasaare ku-xigeenka  Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ,oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada iyo gudoomiyaha arimaha bulshada gobalka Banaadir ayaa daahfuray imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare 2018/2019.

Imtixaanka maanta ka biloowday magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah deegaannada dowlad-gobolleedyada ayaa waxaa u fariistay arday tiradoodu gaareyso sodan iyo kow kun iyo shan boqol oo arday oo wax ka bartay iskuullada dalka.

Ra,iisul wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiiru dowlaha waxbarashada ayaa siwada jira ah iskuulka 15 may ee magaalada muqdisho ugu dhawaqay in imtixaanka uu furan yahay.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ka hadlay imtixaanka iyo sida ardayda Soomaaliyeed ay ugu diyaarsan yihiin.

;Maanta waa maalin weyn waa maalin taariiqi ah waa maalin aan u taaganahay in aan goob jog ka noqono daahfurka imtixaankii qaranka sanadka 2018/2019 kaasoo runtii marxalado badan soo maray.
maanta imtixaanka waxaa galaya sodon iyo kow kun iyo shan boqol oo arday waxa uuna ka dhici donaa guud ahaan dalka ,Gobalka banaadir todobaatan iyo kow goobood ayuuw imtixaanku ka dhici doonaa . halka maamul gobaleedyada lagu gali doono sodon iyo afar goobood .waxaan rabaa in aan si gaar ah u mahad celiyo ciidamada booliska Soomaaliyeed oo meel walbo u taagan in imtixaanku sinabad ah ku dhoco.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare mudane axmed xasan yuusuf ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay mar waliba u taagan yihiin kor u qaadista waxbarashada ardayda Soomaaliyeed islamarka imtixaanku uu yahay mid si nadaam ah ku dhacaya .

Guddoomiye ku xigeynka arimaha bulshada gobalka Banaadir Basmo caamir oo qeyb ka aheyd furitaanka imtixaanka ayaa ka hada shay horumarka laga gaaray in imtixaanku uu ku dhoco si nidaamsan kaas oo ay iska kaashteen maamulka gobalka banaadir iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra,iisul wasaare ku xigeynka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo imtixaanka daahfuray ayaa ka hadlay ahmiyada uu leeyahay imtihaanka iyo sida ay ardayda Soomaaliyeed ugu diyaarsan yihiin.

"Runti ahmiyad gaar ah bey noo leedahay horumarka ardayda Soomaaliyeed iyo in ay meel sare ka garaan waxbarashada taasina waxa ay qeyb ka tahay guulaha uu dalku ku talaabsaday ardayda imtixaanka galaya waalidiinta iyo macallimiinta abaal gaar ah bey leeyihiin,sidaas waxaa yiri Ra,iisul wasaare ku xigeynka dalka Mahdi maxamed Guuleed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]