4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland oo sharci daro ku tilmaamay xadhiga xidlhibaan golahooda ka tirsan oo xabsiga loo taxaabay

 

Sabti, May 11,  2019 (HOL)–Guddoomiyaha golaha wakiillada baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa xadhigii xildhibaan Maxamed Dhakool ku tilmaamay mid sharci daro ah, isla markaana iyadoo xasaanidii laga qaadin la iska xidhay.

Sidoo kale, gudoomiye Baashe waxa uu sheegay in aragtidii uu xildhibaanku kaga hadlay 18 May ay ahayd mid isaga uun ku kooban, balse ay tahay maalin qaran oo ummada Somaliland ku heshiisay in maalintaasi gaar u ahaato madax banaanida Somaliland.

Gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay mar uu isku dayey inuu xabsiga ku soo booqdo in loo diiday, haseyeeshee uu waraaqo u qoray hay’adaha ay khuseyso xadhigiisa, isagoo xusay inuu u sheegay in sifaha loo maray xadhigiisa ay khalad ahayd oo aan la xidhi Karin xildhibaan aan xasaanidii laga qaadin.

"Isagoo xasaanaddii laga qaadan oo aan golaha wakiillada lasoo waydiisan ayaa gurigiisii loogu dhacay xaaskiisii iyo carruurtiisii oo huruda, anigoo guddoomiyihii baarlamaanka ahna CID'du waxay ii diidday inaan arko" ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.

Xildhibaan Dhakool ayaa maalinta 18 May ku tilmaamay maalin cid gaar ahi leedahay, taasina waxay keentay in lagu eedeeyo inuu shacabka kala qaybinayo sida ay ku doodeen ciidanka amniga ee xabsiga u taxaabay.

Xildhibaanka saaka ayaa la keenay maxkamadda gobolka Maroodi jeex, haseyeeshee maxkamadu way diiday inay ka garnaqdo xildhibaan aan xasaanidii laga qaadin in maxkamada la keeno, taasina waxay keentay in dib loogu celiyo xarunta dambi baadhista ee C.I.D oo uu ku xidhan yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland