4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Xaaji Cabdi Waraabe oo maanta aas qaran loogu sameeyey duleedka koonfureed ee magaaladda Hargeysa

Sabti, May 11,   2019  (HOL)- Alla ha u naxariistee Marxuum Xaaji CabdiKariim Xuseen (Cabdi-waraabe) ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey tuuladda Toon oo dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Hargeysa.

Aaska marxuumka waxa ka soo qaybgalay kumanaan dadweyne oo iskaga kala yimid deegaanada Soomaalidu degto, waxaanay odayaal iyo madax dhaqameed faro badan iskaga kala yimaadeen dhamaan gobolada Soomaalidda haday tahay Jabuuti,Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaaliyaba.

Sidoo kale, waxa ka qaybgalay madaxda sare ee Somaliland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi, madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, shirgudoonka Barlamaanka, xisbiyada mucaaradka ah iyo siyaasiyiin kala duwan.

Sidoo kale, waxa ka soo qaybgallay madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo meelo kala duwan oo dunida ah isaga yimi, waxana janaasada laga akhriyey hadallo ku saabsan samo-talisnimadii uu marxuumku caanka ku ahaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu kusoo qaatay nabadayntii iyo Aas-aaskii Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadkii madasha ka hadlay ayaa dhamaantood ka marag kacay doorkii uu ka qaadan jirey nabada iyo isku keenida dadka, waxana  sheegeen adkaysigiisii iyo sidii uu ugu ban baxay danta guud.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay taariikhda Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu yidhi “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo.”

Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa golaha guurtida Somaliland, waxana uu ahaa astaan nabadeed oo waqtiyo adag qaranka kala soo dabbaashay marxalado qallafsan oo lasoo maray, iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore, isimmo iyo garaaddo ka yimi dalalka deriska iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland.

Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe tan iyo  intii ka horeysay burburkii dawladda dhexe ee Soomaaliya madaxdii soo martay Soomaaliya dhamaantood wuu la soo shaqeeyey, haday tahay madaxweynihii hore ee Aadan Cadde, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Siyaad Bare, intii dambe ee Somaliland gooni  u istaagtayna wuu la soo shaqeeyey madaxweynayaashii soo maray Somaliland.

Xaajiga wuxuu caan ku ahaa kursigaan  la saaxiib ahaye qof lama saaxiib ihi, hadba madaxweynihii yimaada ayuu la shaqayn jirey, isla markaana wuxuu jeclaa dawladnimada waxaanu mar walba ka hor tagi jirey khilaafka iyo muranka.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.