4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2019
Dhageysiga kiiska Caa'isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay

Sabti, May, 11, 2019 (HOL)- Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dhageysatay kiiska gabar 12 jir ah oo lagu kufsaday magaalada Gaalkacyo ,kaddibna la dilay.

Illaa tobban ruux ayaa kiiska u xiran,iyadoo markii labaad dhageysiga dacwada dib loo dhigay maalinta berri ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa amray in ay maxkamadda hor-yimaadaan madaxda xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay sharraxaad buuxda uga bixiyaan caddaymaha ay ku heleen eedaysanayaasha laga qaaday dheecaannada hidda-sidaha DNA ee loo adeegsaday baarista kiiskan.

Xeer-ilaaliyaha guud ee  Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo cuskanaya xeerka kufsiga Puntland ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in mas’uuliyiinta Forensic-ga lagu wareysan karo oo keliya kulan xiran oo aan dadweynaha loo ogolaan.

Dacwada la xiriirta dhacdadaan ayaa aad isha loogu haya ,iyadoo markii arrintan ay dhacday si weyn looga caroodey dibadbaxayana laga dhigay magaalooyinka qaar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]