4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2019
Ciidanka amniga oo qabtay nin bambo gacmeed tuurey

Sabti, May, 11, 2019 (HOL)- Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin bambo gacmeed ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidammada oo ku taalla degmada Yaaqshiid, gaar ahaanna waaxda Barwaaqo .

"Fadhi ay ciidanka booliiska ku leeyihiin Waaxda Barwaaqo ee degmada Yaqshid ayaa bam gacmed lagu soo tuuray waana la qabtay dhagarqabaha bamka soo tuuray, Baaris ka dib waxaa la marsiinaa sharciga". sida waxaa sheegtay taliye ku-xigeenka Booliska ahna afhayeenka laamaha ammaanka Jen. Zakiya Xuseen .

Dhacdadaan ayaa ku soo aadday xilli ciidanka amniga ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo bishan Ramadaan la howlgalliyay ciidammo dheeraad ah oo amniga xaqiijinaya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]