4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Faahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Sabti, May, 11, 2019 (HOL)- Ugu yaraan tobban ruux ayaa ku dhawaacmay qarax miino oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Qaraxan ayaa la sheegay bartilmaameedkiisu inuu ahaa gaari uu lahaa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso, Abuukar Cabdinuur,iyadoo uu qaraxa ka dhacay afaafka hore ee maxkamadda ciidammada ee magaalada Boosaaso.

Balse waxaa la sheegay inuu ku suganyahay magaalada Garoowe, guddoomiyaha maxkamadda Boosaaso, Abuukar Cabdinuur oo lahaa gaariga la qarxiyay.

" Dadka ay dhibaatada soo gaartay inta badan waa shacab, waxaa ku jiray haween warato ah oo goobta uu qaraxa ka dhacay meel ku dhow ku ganacsan jiray". ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka ilaalada Abuukar iyo garsoore maxkamadda ka tirsan, waxaana saraakiisha caafimaadka laga soo xigtay dadka qaraxa ku dhaawacmay qaarkood inay qabaan dhaawacyo culus.

Sidoo kale, qaraxa wuxuu burbur garsiiyay dhismayaal ku dhawaa goobta uu ka dhacay, mana jirto ilaa hadda warbixin ka soo baxday hay'adaha amniga iyo maamulka gobolka. Ciddi ma sheegan mas'uuliyada qaraxa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]