4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Xaaf : Soomaaliya maanta waxey ka liidataa Sagaashameeyadii

 

Sabti, May, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ka liidato sida uu hadalka u dhigay Sagaashameeyadii.

Madaxweyne Xaaf oo sheegay in shirka Garoowe uu ku soo dhamaaday fashil ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda in ay mas'uuliyada arintaa qaadayaan, madaama ay ka biyo diideen sida uu hadalka u dhigay in xal waara laga gaaro arrimihii leysku hayay.

Arrimaha doorashooyinka, qeybsiga Kheyraadka iyo arrinta Galmudug  ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen wax-yaabaha la isku fahmi waayay, dowladda federaalka ahna sababta leedahay.

Wuxuu sheegay in marka la eego amaanka dalka la oran karo meeshii ugu liidatay ayuu gaaray'' Al-shabaab waad ogtihiin Suuqa Bakaaraha ayeey canshuur ka qaadaan, maxkamadaha ay dadka ku xukumaanna waxaa ay ku yaalaan degmada Xamar Weyne ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xaaf oo ka sii dhoofayay Garoowe ayaan meesha ka saarin in ay jiri karto rajo mar kale dib leysugu soo laabanayo si looga heshiiyo arrimaha leysku hayo'' Midhaa Soomaali ayeey-nu nahay dib ayaan isaga iman doonnaa'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shirka Garoowe ayaa waxaa isaga baxay kana dhoofay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo ku eedeeyay madaxda federaalka in ay mas'uul ka yihiin afgarad la'aanta uu shirku ku soo dhamaaday.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]