4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare oo maanta ka furmaya Muqdisho iyo dowlad-gobolleedyada qaar

Sabti, May, 11, 2019 (HOL)-  Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi u furaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare oo ka billaabanaya caasimadda Muqdisho iyo deegaannada dowlad-gobolleedyada qaar.

31,500 oo arday ayaa la xaqiijiyay in ay u fariisinayaan Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya,iyadoo 71 goobood oo ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo 34 goobood oo ku yaalla deegaannada dowlad-gobolleedyada lagu qaadayo Imtixaanka,sida laga soo xigtay wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya,Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir).

"Waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan carruurtooda". ayuu yiri wasiir Jaabir oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Ammaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobollada dalka ayaa la adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidammo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]