4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Maamul gobolleedkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay in uu fashilmay shirkii Garoowe

 

Sabti, May, 11, 2019 (HOL) – Maamul gobolleedka Galmudug oo qeyb ka ahaa kulan in ka badan shan cisho uga socda magaalada Garoowe madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada ayaa ku dhawaaqay ugu danbeyntii  in uu fashilmay shirkaasi.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle oo qeyb ka ah madaxda ka qeybgaleysa shirka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday inay ixtiraamto heshiiska Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Suna.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin ay ku xagal daacisay ajandayaashii loo madlanaa sida sharciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha Dastuurka, isla markaana hoggaanka dowladda aysan rabin wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro arrimaha Masiiriga u ah mustaqbalka dhismaha Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]