4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Dal qaaday tallaabo cajiib ah si aysan dadka u seegin xilliga saxuurta

Sabti, May, 11, 2019 (HOL)-  Dalka Indonesia oo ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan caalamka ayaa ciidammada cirka waxay sheegeen inay ka qeybqaadanayaan sidii looga kicin lahaa dadka saxuurta bisha barakaysan ee Ramadaan. Duuliyaasha diyaaradaha ayaa xilliga saxuurta la gaaro waxa ay u isticmaali doonaan sameecado waaweyn iyo dhowaaqa diyaaradaha si dadka ay suxuurta u toosaan.

Ciidammada cirka ayaa boggooda twitterka ku shaaciyay in diyaaradaha dagaalka ay bandhigyo ku sameynayaan hawada magaalooyinka waaweyn xilliyada saxuurta si ay dadka hurdada ugaga toosiyaan.

Xilliyada saxuurta ayaa diyaarada dagaal oo jawi hoose ku duulaya waxa ay qabsan doonaan hawada dalkaasi waxaana duuliyeyaasha laga doonayaa in ay adeegsadaan qalab ku rakiban matoorka diyaaradda oo bixinaya guux aad u xooggan.

Afhayeenka ciidammada cirka Col. Sus M. Yuris, ayaa sheegay in howlgalkan uu san ahayn oo keli ah in dhaqankii la ilaaliyo balse in la xaqiijiyo in ciidammada cirka aysan sameyn wax tababbar ah bisha Ramadaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]