4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay go’aan siyaasadeed tallaabadii Kenya ku hakisay duulimaadyadii tooska ahaa

Sabti, May, 11, 2019 (HOL)-  Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay go’aankii ay gaartay dowladda Kenya ee ay ku hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi,iyadoo go'aanka ay dowladda ku tilmaamtay inuu yahay mid siyaasadeysan.

Dowladda Soomaaliya waxaa kalo ay si cad u sheegtay in duulimaadkii Muqdisho ee loo leexiyay Wajeer ay u aragto mid culeys lagu saarayo dhaq dhaqaaqa shacabka Soomaaliyeed.

"Dowladda federaalka waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirka derisnimo, is afgaradyadii hore ee labada dowladeed ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab." ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa dowladda Kenya loogu baaqay in ay dib u fiiriso tallaabadan culeyska ku ah ganacsiga iyo isu socodka labada shacab.

Gabagabadii, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iyadoo xiriir la sameynaysa hay'adaha ay khuseyso arrintan inay qiimeyneyso tallaabada ku habboon ee ay qaadeyso.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]