4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Hay'adda Anfac oo dad danyar ah maanta Raashin ugu qaybisay magaalada Jigjiga

 

Jimco, May, 10, 2019 (HOL) - Hay'adda Anfac ayaa maanta raashin u qaybisay qoysas danyar oo tabaalaysan, qoysaskan ayaa ku nool xaafadda 17aad ee magaalada Jigjiga.

Haddaba Hay'addan Anfac ayaa raashinka ay qoysaskani u qaybisay waxay isugu jireen Sonkor, Bariis, Timir, Daqiiq.

Degaanka ayaa waxaa ku nool dad badan oo barakacayaal iyo dad masaakiin ah isugu jira waxayna Hay'addani dhankeeda wadaa dadaalo dadkaas wax loogu qabanayo walaw aysan Hay'ad kaligeed aysan ku filnayn in dadkaas danyarta ah wax loo qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]