4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay dil iyo qarax macmal oo ka dhacay Muqdisho



Jimco, May, 10, 2019 (HOL)- Hal ruux ayaa ku geeryooday qof kalana wuu dhaawacmay ,kaddib markii koox hubaysan oo burcad ah ay weerarreen xarun isgaarsiineed oo ku taalla xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,sida booliska laga soo xigtay.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay ragga weerarka geystay labo ka mid ah iyo hubka ay siteen  inay ciidanka amniga gacanta ku dhigeen.

"Ragg burcad ah ayaa bacda afur weeraray Xarunta Hormuud Seybiano ee degmada Hodan. Waxeey dileen hal nin sidoo kalena dhaawaceen hal gabar shacab ah. Ciidanka boliiska waxeey ku guleysteen in ay qabtaan labo ka mid ah burcadka iyo hubkooda".  ayey tiri Taliye Zakiya.

Dhinaca kale, taliye ku-xigeenka booliska ayaa faahfaahin ka bixisay dhawaqa qarax laga maqlay degmada Hodan, iyadoo sheegtay iney gacanta ku soo dhigeen koox qarax macmal ah caawa dhigtay Afaafka hore ee xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

"Hadda ayuu ciidanka boliiska gacanta ku soo dhigeen raggii bacda dhigay iyo babuurkii ay wateen oo ah baabur homey ama PLka loo yaqaana oo cadaan ah. Baaris ka dib waxaa la marsiinaya nidaamka sharciga". ayey tiri Taliye Zakiya mar kale.

Ma jirto wax khasaaro ah oo qaraxa uu geystay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]