4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Roobab ka curtay deegaanno ka tirsan gobolka Sool

 

Jimco, May, 10, 2019 (HOL) - Hoglo dhawra ayaa mar ka wada curtay dacalada magaalada Laascaanood iyadoo ay dhibaato biyo la'aan ah oo baahsan ay ka taagnayd mudooyinkii la soo dhaafay.

Roobabkan oo kala duwanaa ayaa dhul baahsan ku faafay walo aanu helin magaalada Laascaanood balse uu dacalada u soo saaray, waxaase dadku weli qabaan in roobkii uu bilaabmay.

Degaanada roobku sida wanaagsan u helay waxaa ka mid ah Adhicadeeye iyo degaanka Yagoori oo dhinaca waqooyi ah, halka dhinaca koonfureedna degaano badan oo ay ka mid yihiin Karin-dabayl-weyn, Dan, Qabri-bayax iyo degaano kale oo galbeedka kaga aadan magaalada Laascaanood oo illaa waqtigan ay ka muuqdaan hilaac xoogleh.

Degmooyinka Xuddun iyo Taleex ayaan hayn wax roob ah balse dad aan kala xidhiidhnay ayaa waxa ay sheegeen in ay u muuqdaan heegooyin hilaacaya balse aanay weli helin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dooxda nugaal ayaa ooman oo aan weli roob ku tiixin, dadka degaankan deganina hadaan dooxadu doogan uma haystaan in roob helay.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool