4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Xildhibaan Cabdi Waraabe oo caan ka ahaa Somaliland oo Hargeysa ku geeriyooday

 

Jimco, May, 10, 2019 (HOL) - XildhibaanXaaji Cabdikariim Xuseen (Xaaji Cabdi Wareebe) oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha Guurtidda ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaaladda Hargeysa.

Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu ahaa oday ka soo shaqeeyey nabadda iyo isku ururada dadka,waxaanay taariikhdiisa nabadeed ka soo bilaabantaa markii isagoo yar Aabihii la dilay uu saamaxay kuwii dilay.

Xaaji Cabdi Waraabe oo ku suntanaa astaanta nabadda iyo walaaleynta dadka waxa uu taariikhda ku gallay markii uu 15 jir gaadhay in lagula taliyey inuu aabihii usoo aaro oo Qori loo dhiibay,isla markaana loo geeyey ninkii lagu eedeynayey inuu dilay aabihii, haseyeeshee uu ninkii aabihii dilay inta uu qorigii u geeyey u sheegay sababta uu ugu yimid inuu dilo balse aanu doonayn inuu aabihi u aaro, taasina waxay keentay in odaygii uu badbaadiyey uu inantiisii siiyo, sidaasna labaddii reer qoys walaalo ku noqdeen.

Taariikh badan buu leeyahay uu nabadda ugu hiilinayo, ilaahay ha u naxariisto, waxa uu dunidda ka tagay maalin khayr badan oo ah Jimce iyo Ramadaan wada socda, waana astaamaha lagu garto dadka ehelu janadda ah.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland ayaa tacsi u direy qoyskii iyo qarankii uu ka baxay marxuum Xaaji Cabdi Waraabe.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa. waxaanu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxtooyadad.

Waxaanu intaas ku daray “Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Rukun ka mida Rukamada Qaranka Somaliland ku aas-aasmay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland, tan iyo maalintii uu kaalin qaadayna waxa lagu yaqaanay diin jacayl dad ururin iyo daacadnimo, wuxuuna caan ku ahaa nabadda iyo isu keenida bulshada isagoo saaxada ku soo galay odaynimo geyiga Somaliland wada gaadhay Marxuum xaaji Cabdikariim xuseen Yuusuf, wuxu ahaa oday halgan adag u soo galay aas-aaska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka, wuxuu ahaa tiir ka mida aqalka guurtida Somaliland, wuxuuna ku suntannaa maalin iyo habeen inuu u hagar baxo geediga nabadda Somaliland, isagoo ahaa musdanbeed arrin kasta oo murugta loola noqdo, u odayeynta toosinta iyo tanaasulka siyaasiyiinta dalka, madaxdii qaranka soo hoggaamisayna uu la garab taagnaa talo iyo tusaale, waxaana lagu xasuusan doonaa samo-talis talo suuban. Ruugcadaa u soo rafaaday rumaynta qaranka Somaliland oo uu baal dahab ah ka galay sooyaalka taariikhdiisuna ku xusnaan doonto.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.