4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go'aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa

Jimco, May, 10, 2019 (HOL)-  Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyay inay Kenya ku soo wargelisay go'aanka ay ku joojisay duulimaadyadii sida tooska ah ugu bixi jiray magaalada Muqdisho oo tagi jiray Nairobi.

Wasiir Oomaar, ayaa sheegay inay markiiba wargeliyeen go'aanka dhinacyadda uu quseeyay oo ay ugu horreeyaan shirkadda duulimaadyada,iyadoo go'aanka uu dhigayay in wixii ka dambeeya maanta oo Jimco ah 10-ka bisha May, diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay mari doonaan garoonka diyaaradaha Wajeer ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Wuxuu tilmaamay inaysan illaa hadda la socon sababta ay Kenya go'aanka u qaadatay, isagoo marka diidday in lala xiriirin karo arrimo amni oo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ka mid yahay kuwa ugu amniga wanagsan.

"Marka aan hubsano sababaha iyo ujeeddooyinka ka dambeysa  iyo waxyaabaha ay rabaan inan sameyno , wada-hadlkeenna uu furmo ayaan arrinta go'aan ka gaari doonaa". ayuu yiri wasiir Oomaar oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Ku hakashadda Wajeer oo uu hindisay madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki sannadkii 2006dii ayaa waxaa hirgeliyey ciidanka booliska iyo cirka ee waddanka Kenya, Inta ay ku suganyihiin rakaabka Soomaaliya ka imaanaya Wajeer waxaa laga soo dejiyaa diyaaradda si xafiiska socdaalka uu u hubiyo wax walba oo ay wataan, balse Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii Maaj ee sannadkii 2017kii ku heshiiyey in dib loo billaabo duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo meesha ka saartay muddo toban sanno ah oo lagu hakanayey Wajeer.

Tan iyo markii dib loo billaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi - garoonka Wajeer waxa uu khasaaray 19 kun oo doollarka Marekanka ah,sida ku cad warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Naition.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]