4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Maraykanka oo qabtay markab ay leedahay Kuuriyada Waqooyi

Jimco, May, 10, 2019 (HOL)-  Markab xamuul ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi ayuu Marekanku sheegay inuu gacanta ku dhigay,iyadoo Marekanka uu sheegay in uu meel uga dhacay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaraan.

Sida laga soo xigtay waaxda caddaaladda markabku wuxuu waday dhuxul dhagax, taas oo ah waxa ugu badan ee ay dibadda u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi balse Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay.

Markabkan oo la dhoho Wise Honest, ayaa markii u horraysay la qabtay sannadkii hore Maraykanka ayaana codsaday ogolaanshihii uu kula wareegi lahaa bishii Luulyo ee sannadkii 2018. Indonesia oo qabatay ayaana markabka wareejisay, haddana wuxuu ku sii jeedaa dhanka dalka Maraykanka.

Maraykanka ayaa shaaciyay in ku dhawaaqidda markabkan aysan wax shuqul ah ku lahayn gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Waa markii koowaad ee Maraykanku qabto Markab Kuuriyada Waqooyi leedahay oo loo haysto in uu jabiyay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran, arrintan ayaana ku soo aadaysa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]