4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Xildhibaan Dhakool oo xalay xabsiga magaalada Hargeysa loo taxaabay

Jimco, May 10,   2019  (HOL)- Ciidamada booliska Somaliland ayaa  xalay xabsiga u taxaabey Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Dhakool ayaa  sheegay in aanay ahayn 18 May maalin qaran ee ay tahay maalin ay cid gaar ahi leedahay gaar ahaan Jabhaddii SNM ee dalka qabsatay, isagoo ku dooday in 26 june ay tahay in la weyneeyo.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka Hadlay Xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee xabsiga loo taxaabay waxayna sheegeen inuu ku kacay falal lidi ku ah qaranimada Somaliland iyo gooni isku taageedda.

"Wuxuu ku kacay falal liddi ku ah qaranimada Somaliland kana hor yimid jiritaanka qaranka Somaliland, waxaana qabashadiisa loo cuskaday qodobada kala ah  49, 79, isagoo ku kacay falal kala qaybin bulshada Somaliland iyo kicinba ah, isagoo ka hor yimid mabaadiidii qaran ee ummada Somaliland iyago isku dhan wada jir ku go’aansadeen shirweynihii gooni isku taaga Somaliland ee magaalada Burco, taasoo uu ku sheegay maalin madow oo cid gaar ahi leedahay taas oo ka hor imanaysa dastuurka Somaliland." ayuu yiri taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Gen: Cabdiraxmaan Fooxle.

Waa markii ugu horreysay ee xildhibaan ka tirsan baarlamaanka uu wax ka sheego maalinta 18 May oo Somaliland u dabaaldegto maalinta madax banaanidda iyo gooni isku taaga Somaliland.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.