4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Dowladda Soomaaliya oo qabatay shabakad basaasiin ah oo ay Imaaraadku leeyihiin

Jimco, May, 10, 2019 (HOL)-  Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay shabakad basaasiin ah oo uu shaqeysa Imaaraadka Carabta, sida ay ku warrantay hay'adda warbaahineed ee Middleeastmonitor oo xigatay ilo sirdoon oo maxalli ah.

Ma jirto faahfaahin laga bixiyay nooca ay ahayd shabakaddan iyo cidda u shaqaynaysey inay Soomaali ahayd iyo in kale,iyadoo horraantii sannadkan wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyey in xiriirka dalkiisa iyo Imaaraadku aanu joogin heerkii ama halkii ay ahayd inuu joogo.

Wasiir Cawad , ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu wuxuu ku bayaaniyey inuu soo yara hagaagey xiriirka labada dal tan iyo xasaraddii siyaasadeed ee bartamihii sannadkii 2018kii.

Bishii April ee sannadkii tegey ayay ahayd markii ay ciidammada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen $9.6 milyan oo doollar oo lagu sidey dayuurad khaas ah, taasoo ay aad uga carootey dowladda Imaaraadka walow ay caddayn kari waydey halka ay lacagtaasii ku socotey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay diidday heshiis saddex-geesood ahaa oo u dhaxeeyay Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Soomaaliland oo la xiriiray shirkadda fadhigeeddu yahay Dubai ee DP World inay muddo soddan sanno ah maamushu dekedda Berbera iyo saldhig ciidan oo ay halkaa ka dhisan doonaan Imaaraadka Carabta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]