4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Maxkamad ku taalla Kenya oo xukun dheer ku ridey nin u dhashay Ingiriiska

Jimco, May, 10, 2019 (HOL)- Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa xukun xabsi ah ku riday nin u dhashay Britain oo muddo ku jiray gacanka ciidanka amniga Kenya.

Maxkamadda ayaa 4 sanno oo xabsi ah ku xukuntay Jermaine Grant oo la xiray sannadkii 2011, kaddib markii ay booliisku ku qabteen kiimikooyin iyo waxyaabo kale oo bam laga sameeyo kuwaas oo yaallay gurigii uu ka daganaa magaalada Mombasa.

Jermaine Grant  oo London ka soo jeedda ayaa qaadanaya xabsi sagaal sanno ah kaddib markii uu samaystay dokumentiyo been abuur ah si uu u helo jinsiyadda dalka Kenya.Afartan sanno ayaana loogu sii dari doonaa xabsigii uu horay ugu sii jiray. Eedaymahan cusub ayuu diiday wuxuuna qaadanayaa racfaan.

Grant marka la xiray  waxaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa qorshe la doonayay in lagu weerarro hoteello ay dalxiiseyaasha ajaaniibtu booqdaan.

Bishii hore ayaa lagu helay in uu haystay waxyaabo bam laga sameeyo, balse maxkamadda ayaa meesha ka saartay dacwaddii kale ee ku saabsanayd in uu qayb ka ahaa shirqoolkii la waday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]