4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Marekanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Jimco, May, 10, 2019 (HOL)- Marekanka ayaa sheegay inuu duqeyn ku dilay 13 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya,kaddib howlgal ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Marekanka ee qaaradda Afrika.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ayaa lagu shaaciyay in ciidammada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya ay 8-dii bishan duqeyntaa fuliyeen ,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish.

Duqeynta ayaa lagu soo warramaya inay ka dhacday deegaanka Cameeyra oo hoostaga degmada Isku Shuban ee Puntland. Howlgalka Marekanka ee Afrika ayaa warka ka soo baxay ku caddeeyay inaysan jirin wax rayid ah oo duqeynta ay wax ku gaareen "balse waanu ogolnahay in aan baarno haddii ay yimaadaan macluumaad la xiriira" ayaa lagu yiri bayaanka.

Agaasimaha sirdoonka howlgalka Marekanka ee Afrika, Heidi Berg ayaa tilmaamay in xogo mukhaadaraad oo ay heleen ay u suurtageliso beegsiga ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Mareykanka ayaa kordhiyey weerarrada dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo deegaannada Puntland,waxaana duqeyn 14-kii bishii April ee sannadkan ka dhacday gobolka Bari lagu dilay hoggaamiye ku-xigeenkii kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]