4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2019
Wararkii u dambeeyay ee shirka Garoowe

Jimco, May, 10, 2019 (HOL)- Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa muddo ku dhow toddobaad ku shirsan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,iyadoo shirka looga wada-tashanayo sidii looga talaabi lahaa khilaafka labada dhinac iyo arrimaha siyaasada ee dalka.

Balse ma jiro ilaa hadda wax natiijo ah oo ay hoggaamiyeyaasha  ka gaareen qodobbada shirka looga hadlayo , waxaana ka mid ah qodobbada aan wali la isku fahmin , khilaafka Galmudug, sharciyada Batroolka, doorashada, xisbiyada iyo in la beddelo magaca golaha amniga qaranka.

Shirka waxaa sii murjiyay markii Jubbaland ay dowladda federaalka ku eedeysay faragelin inay ku heyso hannaanka doorashada ee deegaannada, waxaa uu maamulka dusha u saaray dowladda federaalka mas'uuliyada is rasaaseyn shalay ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo u dhaxeysay ciidammada ammaanka garoonka iyo ilaalada musharrax Cabdinaasir Seeraar.

"Wuu jira wal walka ah inuu shirka burburo, balse dadaal ayay bixinayaan hoggaamiyeyaasha si natiijo u wanagsan bulshadda Soomaaliyeed shirka looga soo saari lahaa". ayuu yiri sarkaal ku dhow shirka oo la hadlay Hiiraan Online.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoominayay muddada uu shirka socday, waxaa qeyb ka ahaa shirka ra'iisul wasaaraha xukuumadda ,madaxda dowlad-gobolleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa aad isha loogu haya natiijada ka soo baxda, isagoo maalintii lixaad galay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]