4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2019
Jubbaland oo dowladda federaalka ku eedeysay faragelin

Jimco, May, 10, 2019 (HOL)-  Maamulka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeyay faragelin,iyadoo maamulka uu sheegay dowladda Federaalka inay qaadeyso mas’uuliyadda dhacdadii garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo shalay isku rasaaseeyeen Ciidammada ammaanka garoonka iyo Ilaalada Musharrax Cabdinaasir Seeraar.

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka ayaa sidoo kale dowladda federaalka lagu eedeyay inay khal khal gelinayso amniga deegaannada Jubbaland.

"Dowlad goboleedka Jubbaland waxay masuuliyad ka saarantahay sugidda Amniga dalka iyo dadka reer Jubbaland , mana ogolaaneyso waxkasta oo carqalad ku ah kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimo, Jubbaland waxay caddeynaysaa inay faragalin gurracan ku hayso hambsami u socodka hanaanka doorasho ee Jubbaland taas oo ay masuuliyadeeda qaadan doonto DFS fal kasta oo liddi ku ah amniga iyo dowladnimada Jubbaland ". ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo ku taariikheysnaa khamiistii shalay.

Maamulka ayaa eedeyay dowladda federaalka xilli uu shir wada-tashi ah uga socdo magaalada Garoowe madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada,iyadoo aysan jirin illaa hadda wax natiijo ah oo shirka ka soo baxay.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]