4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Taliyeyaasha ciidamada Militeriga iyo Booliska oo ka hadlay xaaladda degdeg ah ee lagu soo rogay deegaano hoos taga gobolka Sanaag

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Taliyeyaasha ciidamada Militeriga iyo Booliska Somaliland ayaa sheegay inay fulinayaan amarkii madaxweynaha ee xaaladda degdeg ah ku soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel afweyn iyo Ceerigaabo.

Labada taliye waxay sheegeen inay ku daba jiraan dableydii dilka u gaystay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamadda, waxaanay sheegeen inay awoodii maamul iyo amnigaba uu ciidamadu la wareegay,isla markaana ciidanka awood loo siiyey inay xayiri karaan dhaqaaqa gaadiidka,isla markaana talaabi ka qaadi karaan cid kasta oo ka hor timaadda hawlgalada ciidamadu wadaan.

“Saddexda degmo ee ciidamada qalabka sida hawlgalo balaadhan ayey ka wadaan sidii falkii lagu dilay laba sarkaal u dhacay, ciidamadu way xayiri karaan dhaqdhaqaaqa Gaadiidka cid kasta oo looga shakiyo inay nabadgalyada khatar ku tahay cida wal oo is hortaagta ama ficilo ama borobogaadho kula kacday talaabo laga qaadaya, degmo kasta waa maamulkeeda iyo hawgalkeeda gacanta ku haynaya Ciidamada qaranka. Shacabka gobolkaasi ku nool waa inay la shaqeeyaan ciidanka, waa in loo hogaansamaa hawlgalada socda ee nabada deegaankaasi lagu sugayo”ayuu yidhi taliyaha guud ee Booliska Fadal.

Sidoo kale, Gen:Nuux Taanni ayaa sheegay in amniga nabada deegaankaasi gacanta ku haynayaa muddo saddex bilood,isla markaana warbaahinta ka codsaday inay la shaqeeyaan oo warar amniga waxyeelaya iska ilaaliyaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.