4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2019
Ra’iisal wasaare Kheyre oo deg deg u buuxiyay xilkii uu iska casilay Wasiir Geelle

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa markiiba is deg deg u magacaabay xilkii uu iska casilay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.

Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga.

Sidoo kale xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Eng. C/llaahi Cali Xasan, oo ay isku heyb yihiin Wasiirkii is casilay ee Daahir Geelle.

Wasiirka cusub Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii isu soo taagtay Doorashada xilka Madaxweynaha 2017.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]