Barasaabka gobolka Togdheer oo sheegay inuu gobolku boqolkiiba lixdan aanu haysan biyo ku filan
Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Barasaabka gobolka
Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan deegaanada hoos yimaada aanay haysan biyo ku filan, waxaanu hay’adaha gargaarka
ka codsaday inay degdeg usoo gaadhsiiyaan biyo.
Barasaabka gobolka Togdheer ayaa hay’adaha
gargaarka ku canaantay in aanay wali wax gurmad ah ka samayn,isla markaana ay
laba bilood ka hor u gudbiyaan baahiyaha ka jira gobolka.
“Waxa gobolka ka jira xaalad biyo la’aaneed baa
ka jirta gobolka, waxaana lagu qiyaaasi karaa boqolkiiba lixdan in deegaanda
hoos yimaada haysan biyo ku filan, waxa jira xaalad adag oo biyo yaraan ah,
waxaana hay’adaha gargaarka u gudbinay xaaladda iyo gurmadka looga baahan yahay
inay gobolka ka fuliyaan, haseyeeshee ilaa hadda wax jawaab ah kama hayno,
hadhow marka uu roobku yimaado yeyna biyo keenin imika loo baahan yahay hadii
ay keenayaan”ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Togdheer.
Sidoo kale, waxa uu gudoomiyuhu sheegay in wixii
iyagu qaban karayeen ay gaadhsiiyeen deegaanada biyo yaraantu ka jirto, waxaanu
xusay in si wada jir ah looga wada qaybqaato biyo gaadhsiinta dadkaasi biyo
yaraantu soo foodsaartay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.