Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Xukuumadda
ayaa gurmadkii ugu horeeyey oo biyo ah u dirtay goboladda bariga, kuwaas oo ay
ku jiraan xaalad biyo la’aan ah.
Munaasibada lagu soo bandhigayey kaalmadii ugu
horeysay ee gobolada abaartu haysay loo dirayey waxa ka soo qaybgallay
madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, wasiirka Biyaha, wasiirka Diinta iyo
Aw qaafta, gudoomiyaha hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo kaydka raashinka
iyo masuuliyiin kale.
Faysal Cali Sheekh Gudoomiyaha Hay’adda ka hor
taga masiibooyinka iyo kaydka Raashinka ayaa sheegay in maanta ay baxeen boqol
iyo konton booyadood, kuwaas oo loo kala direy sadexda gobol ee bariga, sida
Koonfurta Sool, Bariga Sanaag iyo Togdheer, waxaanu sheegay in gurmadkaasi ay
ugu deeqeen hay’adda.
“waxa maanta baxay 150 booyadood oo
kontankii ugu horeyey gaadheen togdher, konton booyadood oo kalena gaadhi
doonaan Badhan, halka konton booyadood oo kale ku sii socdaan koonfurta Sool,
waxaana bixiyey Qadar Charity “ayuu yiri Faysal Cali Sheekh.
Sidoo kale, waxay xukuumaddu sheegtay in booyadan
imika la dhaaminayo ay dawladdu leedahay, kuwaas oo qaarkood gobolada ka
shaqaynayaan, waxaana hadda u kala baxayaan koonfurta Gobolka Maroodi jeex,
Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag.
“Gobolada aanay booyadahani tagin yeyna moodin in
la qadiyey ee waxa loo kireen doonnaa booyadaha deegaamadoodda oo iyagu laba
faa’iido ayey heli doonaan marna waa loo kireen doona marna booyada
dawlada loogu dhaamin doonna”ayuu yidhi wasiirka Biyaha Saleebaan Cali
Koore.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici , ayaa
sheegay in biyo yaraan baahsani ay soo food saartay meelo kamida goboladda
bariga Somaliland, waxaanu sheegay in hay’adaha iyo dawladuba ka hawlgali
doonaan biyo dhaamintaasi la gaadhsiin doono dadkaasi biyo yaraantu haysato.
“Hay’adihii abaaraha nagala shaqaynayey waa
diyaar, waxaana u diyaar garoobnay in ceelashii fadhiyey u dayactirno, waxaana
hay’adihii nidaamka biyaha inaga caawin jireyna waxaanu isla garanay in
ceelasha fadhiya ay dayac tiraan si dadkaasi loogu gurmado”ayuu yidhi Saylici
oo ka hadlayey gurmadka biyo yaraanta gobolada bariga haysata.
Goboladda bariga ayaa laga soo sheegaya biyo yaraan
culus, kuwaas oo halis ugu jira inay naftooddu halis u gasho biyo la’aan
darteed.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.