Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha
xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah
isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera
amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.
Kulanka deg deggga ah ayaa aad loogu
falanqeeyay Tageeradda qorsha uu diyaariyay Taliska ciidanka xoogga dalka
oo la doonayo in dalka looga saaro Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka
tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in Al-shabaab sii wadaan sida uu
hadalka u dhigay dhibaateynta dadka ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa
uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan
siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.
Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika
iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka
AMISOM oo goob joog ka ahaa shirkaa ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo
qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo
argagaxisada.
Kulanka ayaa imanaya iyadoo maanta oo kaliya
ilaa Shan Qarax ay ka dhaceen magaalada Muqdisho waxaa dadka ku dhintay
qaraxyadan ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]