Wasiirka Gaashaandhigga : waan tixgalineynaa ciidamada mishaar la’aanta ka cabanaya
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhiga
xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed oo markii ugu horeysay ka hadlay
gadoodka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee mishaar la’aanta ka cabanaya
ayaa sheegay in marnaba Wasiirradu raali ka noqon doonin la dulmiyo ciidamada.
Wuxuu sheegay in Wasaarradu u dhaga-nugshahay islamarkaana
tixgalin doonto cabashada ciidamada haddii ay soo maraan wadada saxda ee ahaan
aheyn in laga soo baxo agagga dagaalka.
“Aniga ka wasiir ahaan marnaba raali kama
noqonayo in la dulmiyo shaqsi muwaadin Soomaaliyeed ama ka tirsan Ciidanka
Xoogga dalka, sidoo kale ciidanka waajibaadka iyo aadaabta marka laga hadlayo
waa inay dhowraan nidaamka u degsan dowladda”
” Qofka tabasho wuu yeelan karaa tabashadiisa
meesha uu joogo inuu ku soo bandhigo waaye, askariga wuxuu leeyahay Taliye
qeyb, Taliye urur uu leeyahay, wuxuu leeyahay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka,
wixii tabasho ah waa in qoraal lagu soo gudbiyaa” ayuu sheegay Wasiirka.
Dhawaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka
Soomaaliyeed ayaa isaga soo baxay deegaanno dhowr ay oo ay kaga sugnaayeen
qeybo ka mid gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe , iyaga oo ka
cabanaya mishaar la’aan iyo hadallo ka soo yeeray madaxda ugu sareysa dalka.
Ciidamadn ayaa sheegay in aysan marnaba dib ugu
laaban doonin agaggii iyo deegaannadii ay ka soo baxeen ilaa la xalinayo
tabashadooda ah in ay helaan xuquuqda ka maqan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]