Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay dhiggiisa Jabuuti
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa
Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku
saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta
labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka
ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada
Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay
booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu
ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil
Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab
galo la dagaalanka argagaxisada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga
mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka
iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda
Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.
“Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa
xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno
iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa
iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah.
Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga
tahay la dagaallanka argagaxisada.”
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay
inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer
Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir
walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya
ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd
caalamka.
“Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii
biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa
uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu
dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin
nahay.”
Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo
berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada
xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada
dhinac.