Mareykanka oo ku biiray dalal mamnuucay isticmaaalka diyaarada Boeing 737 MAX
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in Mareykanku
ku biiray dalalka mamnuucay isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX, kaddib burburkii diyaaradii Ethiopian
Airlines oo ay ku dhinteen 157 ruux.
"Waxaan
dooneynaa in aan soo saarno amar deg deg ah oo lagu mamnuucayo dhamaan duulimaadka diyaaradaha
737 MAX 8 iyo 737 MAX9," ayuu
lagu sheegay qoraal Trump ka soo saaray Aqalka cad ee looga arimiyo
dalka Mareykanka.
Wuxuu sheegay madaxweynaha dalka
Mareykanka Trump in arintan ay quseyso nabad-galyada dadka Mareykanka oo ka
qabaan walwal gaar ah marka ay timaado isticmaalka diyaaradaha shirkaddan ay
farsameyso.
Wadamo ku yaala Qaarrada Yurub,
Shiinaha iyo waliba dalal kale oo ay Canada ka mid tahay ayaa horay u joojiyay
isticmaalka diyaaradahan, waxaa ay shirkadda Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay
dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya
371 illaa amar dambe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]