Isniin, Maarso 11, 2019 (HOL)- Xukuumaddda iyo xisbiyadda mucaaradka ah ayaa si gooni gooni uga tacsiyadeeyey Itoobiya dadkii ku geeriyooday iyo diyaaradoodii ku burburtay, waxaanay maanta soo saxeen buugii tacsiyadda ee la dhigay xafiiska itoobiya ku leedahay Hargeysa.
newsinside Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi ugu tegay xafiiska Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.
Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Somaliland iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka)..
Sidoo kale, Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa isna ka mid noqday dadkii soo saxeexay buugga tacsida ee safaaradda la dhigay, taas oo loogu baroor diiqayo dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee ka dhacday Itoobiya.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.



