3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2019
Cawaale Cabdulaahi Faarax(Hoolif) oo u Tartamaya Xubin Golaha Dagaanka ee Mag.Kent ee Washington oo Minneapolis lagu Taageeray

Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Gobolka Minnesota waxaa lagu qabtay xafladd lagu taageeryay Cawaale Cabdulaahi Faarax (Hoolif) oo u sharaxan xubin golaha degaanka ee magaaladda Kent ee dagmada King ee gobolka Washington,Cawaale ayaa doonaya in uu ka mid noqdo todabadda qof ee xubnaha ka ah maamulka magaaladdaas, kulankan ka dhacay Minneapolis ayaa ahaa mid taageero loogu muujinaayey musharaxnimada Cawaale.

Xafladdaan oo ay soo buux dhaafsheen dadwaynaha kala duwan ee ku dhaqan gobolkaan Minnesota ayaa waxaa iyaguna goobta ka hadlay siyaasiinta Soomaali Maraykanka ah ee laga soo doorto xafiisyada kala duwan ee Minnesota ayaa dhamaantood ka soo qaybgalay kulankaan,waxayna kalaahayeenMaxamud Nuur , Hodan Xasan, Cabdi Warsame,Siyaad Cali iyo C/qadir Xasan AK oo xilal kala duwan ka haya gobolkaan ayaa aad si wadajira u soo dhaweeyey Cawaale Faarax waxayna dadka dagan gobolka Washington iyo magaalooyinka Kent u dhow sida tan Soomaalida ku badan tahay ee Seatle ay hawada u mariyeen in garab istaag buuxa loo sameeyo Awale farah.

Cawaale Cabdulaahi Faarax Hoolif ayaa sida la sheegay daganaa gobolka Washington waqti aad u dheer isagoo dalkaan ka bartay cilmiga injeernimada kana soo shaqeeyey shirkado waawayn sida tan diyaaradaha Boeing iyo shirkada AT&T.

Caawale waxaa kursigaan kula tartamaya sadax qof oo kale , waxuuna HOL u sheegay in uu taageero buuxda uu siiyey shaqsigii baneeyey xilkaan, dadka dagan magaaladana ay u badan yihiin dad taageera xisbiga dumuriqaadiga isaguna uu yahay musharaxa qura oo xisbigaa ku tartamaya,waxay doorashada kowaad dhacaysaa bish Ogoosto 6 2019,labada musharax ee ugu cod bata ayaa kala baxaya bisha Novenber 5 2019.

Boqol iyo sodon kun dad kor dhaafay ayaa dagan magaaladda uu Cawaale xilka ka dooonayo Soomaalida dagana waxaa lagu qiyaasaa ilaa Afar kun oo qof, lakiin waa magaalo ay dagan yihiin qoomiyado kala duwan kuwaas ayaana ku tashanayaa codkooda ayuu yiri musharaxan.

Xafladii Taageerada ahayd ee loogu qabtay Cawaale Faarax Minnesota ayuu ka jeediyey khudbad uu uga hadlay dhibaatooyinka haysta ganacsatada Soomaalida ah ee dagan Seatle Washington, waxuuna ka sheegay in xilkaan uu u doonayo in uu cod u noqdo dadka laga tirada badan yahay ee dagan dagaankaas.

Intii xafladaan socday ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha & dhaqanka oo ay soo bandhigeen kooxda matxafka qaranka ee Minnesota, gabayo iyo buraanburo ayaa iyaguna goobtaa laga soo jeediyey.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,Minnesota













Click here
6/30/2019 6:50 PM EST
Axad, June, 30 2019 (HOL) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sannad-guurada 59aad ee ka soo wareegatay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed iyo israacii gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta,taasoo aasaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

6/30/2019 5:47 PM EST
Axad, June, 30 2019 (HOL) –Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud ayaa caawa kaga qeybgalay magaalada xarunta u ah gobolka ee Dhuusamareeb xuska 1da Luulyo.

6/30/2019 11:31 AM EST
Axad, June, 30 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo muddo ku dhawaad sanad kaddib gaaray magaalada ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

6/30/2019 10:54 AM EST
Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.

6/30/2019 7:56 AM EST
Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday qof kalana wuu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ee caasimadda Muqdisho.

6/30/2019 6:46 AM EST
Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax.

6/30/2019 5:49 AM EST
Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

6/30/2019 2:31 AM EST
Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex nin oo ku eedeysnaa gabar 12 jir ah oo lagu kufsaday laguna dilay magalada Gaalkacyo.

6/30/2019 1:13 AM EST
Axad, June, 30, 2019 (HOL)–Taliska ciidamada Boooliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray qof ku eedeysan in uu ka danbeeyay dilka Suleeqo Yuusuf Axmed dhawaan meydkeeda laga helay hotel Caamir ee magaalada Muqdisho.

6/30/2019 12:54 AM EST
Axad, June, 30, 2019 (HOL) –Maxkamada Racfaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii maanta ay go’aan ka gaarto xukunka ragga ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd inan yar oo reer Gaalkacyo ah.