Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay dabaaldega 26 June looga sameeyey Muqdisho
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-- Madaxtooyada Somaliland ayaa wax laga xumaaday
ku tilmaamtay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya iyo dabaaldega uu
maalinta 26 june ugu sameeyey magaaladda Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska
madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame
ayaa lagu sheegay in aanay garanayn sababta Soomaaliya ugu dabaaldegayso
maalinta Somaliland u gaar ah.
“Shacabka Somaliland, waxa ladh iyo dacar
ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo
hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho
iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba
ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June
1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la
dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan
halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad
muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti
dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo
dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda
Somaliland.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.
Waxaana intaas lagu daray “Xafladdaynta Muqdisho
iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii
dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka
Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay
walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay.
Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo
xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi
Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan
Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda.
“Duddadaanu ahayne,
Dawlad soo gashay ma ihine,
danteennaa laba diiddaye,
Dabuub aannu maqlaynay,
dareen baannu ka qabnaayoo,
dugsigii Baarlamaankiyo,
Dekeddii Xamar baa leh,
Berbera daadku ha qaado,
doonniyi yaanay ku leexan”.”.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.