Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Madaxweyne Trump ayaa
qalinka ku duugay cuanqabateyn cusub uu ku soo rogay dalka Iran, cunaqabateynka
oo saameyn u geysanaya hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.
Mr Trump wuxuu sheegay inuu cunaqabateynkan cusub
uu yahay mid jawaab looga dhigayo diyaraddi aan duuliyaha lahayn uu Mareykanku
lahaa ee ay Iran soo ridday iyo falal kale oo ay ku dhaqaaqday.
Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha
ruuxiga ee ugu sarreeya Iran "ayaa ka masuul ah dabeecadaha qallifan uu
caadeystay maamulka Tehran" ayuu yiri Mr Trump.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Javad Zarif wuxuu
sheegay "Mareykanka in uu quursaday Diblumaasiyadda."
Mareykanka marka uu cunaqabateynka cusub ku
dhawaaqay kaddib wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Iiran Mr Zarif boggiisa
Tweetarka uu ku qoray wuxuu Mareykanka ku eedeeyey inuu yahay "dal dagaal
u heellan".
Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid
“adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka” ee dayuuraddii Drone ee Iran ay
Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]