4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2019
Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dadkii lagu laayay Gaalkacyo

 

Sabti, June, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa arin laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii lagu dilay dad ka badan 10 ruux oo guud ahaanba ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed.

Dilka dadkan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa si wadar ah waxaa u dilay maleeshiyaad la sheegay in ay ka careysnaayeen dilka sarkaal ka tirsana Nabad-sugida oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

“Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad careysan kadib markii  maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka  soomaaliga ah ee BBCda.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed in ay  isdejiyaan, islamarkaana dadkaasi dhibaatadda geystay Sharciga la  marsiin doono.

Cambaareyn xoog leh ayaa loo jeediyay falkan lagu dilay dadkaa rayid ah, waxaana si wada jir ah u cambaareeyay dowladda Soomaaliya, xildhibaannada labada Aqal iyo waliba siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaa oo dhamaantood ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno dadkii ka danbeeyay falkan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]