4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2019
Ardaydii dugsiyada Sare iyo kuwo dhexe oo maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan


Sabti, June, 15 2019 (HOL)- Ardayda dugsiyadda sare iyo dugsiyada dhexe ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 , kaasi hal mar ka wada bilaabmayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Dhamaan agabkii iyo ilaalidii imtixaanka waxa la sii direy maalin ka hor si saaka toddobadda subaxnimo hal mar uga wada bilaabmo imtixaanku, taas oo si nabadgalyo ah uga socda dhamaan goobihii loogu tallogalay in lagu gallo imtixaanka.

Kormeer aan saaka ku maray inta badan dugsiyada imtixaanka lagu qaadayo ee Magaalada Hargeysa waxa macamlimiintii iyo askartiiba ku sugnaayeen hiirtii waaberi ee saaka.

Dhamaan dugsiyada imtixaanka lagu galayo waxa ku sugnaa ardaydii imtixaanka galisay oo u soo diyaar garoobay, maamulayaashii dugsiyadoodda iyo waalidkii oo sii dhiirigalinaya siina guubibaabinay ka hor inta aanay dugsiyada ku xaroon, iyadoo aan loo ogolayn in cid kale gudaha usoo gasho aan ka ahayn ardayda imtixaanka galaysa iyo macalimiinta ilaalinaysa.

Sidoo kale, waxa la adkeeyey qishkii iyo in imtixaanka la iska eegto, iyadoo dhamaan wixii moobilo ah mamnuuc ka ahayd ardayda, inkastoo qalabkii hawada ka saarayey khadka telefoonada ahayd in la soo iibiyo ayaan laga gaadhsiin taas oo dib uga dhacday, haseyeeshee waxa la kordhiyey ilaalada, waxaana markii ugu horeysay ka qaybqaadanaya dhalinyarada shaqo qaran oo loo qaybiyey inay ilaaliyaan imtixaanka.

In ku dhow sodan kun oo arday oo iskugu jira dugsi sare iyo mid dhexe ayaa imtixaanka u fadhiistay, waxaana markii ugu horeysay si rasmiya u furey madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgallay dugsiga Biyo dhacayga hoose oo uu isagu yaraantiisii 53 sanno ka hor arday ka ahaa.

Madaxweynaha ayaa ardayda ku dhiirigaliyey in aanay ka cabsoonin imtixaanka oo hadii ay gudbaana fiican tahay hadii wax ka khaldamaana uu dib u sixi karo, waxaanu ardayda ku tilmaamay in dugsigii dhexe uu falkankan ay hor fadhiyaan ku gallay.

Sidoo kale, madaxweynaha waxa wax laga waydiiyey shir uu iclaamiyey boqor Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka oo laba beelood ku shirayaan Togdheer, waxaanu sheegay in la shiri karo oo beeluhu wanaag uun ka shirayaan

“beelaha Somaliland way shiri karaan, beel kasta oo Somaliland wanaag uun bay la shirtaa oo xumaan kama shiraan, beelihii shiraya xor bay u yihiin, laakiin boqor Buurmadow iyo inta taageersan waxa laga rabaa nabadda gobolka Sanaag gaar ahaan Ceel-afweyn, xan badan baa jira suldaan iyo boqor maaha kii nabadgalyo daro lagu xanto, dadka uu boqor Buurmadow boqorka u yahay laba sanno iyo badh dagaal bay ku jiraan sokeeye waxa laga sugayaa inuu nabada ka shaqeeyo oo uu gacan ku dhiiglaha soo qabto”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.