Abwaan Saxardiid Jabiyo oo tiriyey suugaantii ugu badnayd ee Gumaysi diidka ahaa oo maanta ku geeriyooday Hargeysa
Sabti, June, 15 2019 (HOL)- Alle Ha u Naxariisto Abwaan
Saxardiid Maxamuud Jabiye oo ka mid ahaa Abwaanadii ka qaybqaatay halganka
gumaysi diidka ee hal abuurkiisu sababay inuu xoriyadii lixdankii Soomaali ka
heshay Ingiriiska ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.
Abwaan Saxardiid Jabiye ayaa
wuxuu hal abuurey heeso iyo suugaan badan oo caanka ka ah gayiga Soomaalida,
waxaana lagu xasuustaa heesti caan baxday ee “aynu maalno hasheenna Maandeeq.
Sida ay sheegeen dadkii
taariikhda Abwaanka ururiyey waxay sheegeen in Abwaan Saxardiid Maxamud Cilmi
(Jebiye) uu ku dhashay magaalada Hargeysa xilli ku beegan soddomaadkii. Waxa uu
yaraantiisii, caan ku ahaa kubbadda cagta, oo uu u ciyaari jirey koox la odhan
jiray (kooxda Hargeysa). Sida uu Saxardiid sheegay, mar uu waraysi siiyey
"kaydka suugaanta Somaliland", heestiisii ugu horraysay ee laxan la
saaray waxa la odhan jiray "Ka sara kaca" waxaana ku luuqayn jirtay
Faadumo Cabdilaahi (Maandeeq). Sababtii ay ku dhalatay heestaasina waxa ay
ahayd markii Ingiriisku bixiyey deegaankii loo yaqaanay "Reserve Area iyo
Hawd" ee uu ku wareejiyey xukuumaddii Xayle Salaase 1954kii. Cadhadii ka
dhalatay ayuu heestaa ka sameeyey Saxardiid. Rawaayaddii, ugu horraysay ee uu
sameeyey, waxa ay ahayd GARDIID WAA ALLA DIID oo ku beegnayd 1959, kuna
saabsanayd xorriyaddii oo soo dhawaatay. Heesaheeda waxa ka mid ahaa "Aan
Maallo Hasheena Maandeeq."
Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye)
waxa uu ka mid ahaa Abwaanadii xilligaa suugaantooda ku dagaalamay, kuna tusay
dadka in midaysnaan loo baahan yahay. Heesaha qiirada xanbaarsan, ee qofka soomaaliyeed
ay xaaddu istaagi jirtay waxa ka mid ahaa: Kadabaa Kadabaa dhaha!. Heestan oo
uu qaadi jirey IHN-tee heesaagii caanka ahaa Maxamed Yuusuf Cabdi, waxa ay ka
mid ahayd heesaha aad ka loo dhegaysto maalmaha ku beegan xorriyaddii
lixdankii.
" Waakii aynu rabnee,
kifaaxiisa galnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha'ee.
Korodhsiimo helloo, kaalinteenii galnee, soomaalaay kulligaa kulmiyaa la
sudhee, kadabaa dhaha,ee. Gaajadii kuliliyo, kuududkii ka kacnee, soomaalaay
kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha'ee. Kunfacii la cadaab, kufrigii
erinee, soomaalay kuligaa kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha'ee.
Kadabaa, kadabaa, Kadabaa
kadabaa....
Waakii aynu rabnee, kifaaxiisa
galnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa, kadabaa. "
Abwaan Saxardiid waxa uu ka mid
ahaa, suugaan-yahannadii, xilligaas ugu caansanaa. Waxa uu mar la jaan-qaaday
da'dii noqotay tiirarka fanka soomaalida, oo aan ka xusi karo IHN-tee
Cabdilaahi Qarshe, Xuseen aw Faarax iyo Cali Sugulle oo xilligan nool ahna abwaanada
taariikhda dheer ku leh soomaalida Geeska Afrika deggen oo dhan. Heesaaga, inta
badan qaaday heesaha Saxardiid waxa ka mid ahaa, Axmed M Good (Shinbir),
Maxamed Yuusuf Cabdi, Hibo Maxamed (Nuura) Cismaan (Gacanlow), Maxamed Axmed
(Kuluc) iyo Faadumo Cabdilaahi (Maandeeq).
Dhaaxaan murugiyo, harraad
mudannee, maantay curatoo, mataanaysee.
Ma gawdo Candhadii, gollaha
marisee, aan maallo, hasheenna Maandeeq.
"Waa maalin murankiyo,
makeeki hadhee, aan maallo hasheenna Maandeeq.
Waa maalin duco iyo bil mawliide,
aan maallo hasheenna Maandeeqe.
Waxa heestan korka ku xusan
qaaday, Maxamed Axmed (Kuluc) oo ay la jiibin jireen hablihii idaacaddii
Hargeysa. Inbadan oo bulshada ka mid ah ayaa iiga markhaati kacaysa in heestani
ku lammaan tahay, xasuusta maalmaha loo debbaaldego xorriyaddii lixdankii.
Malaa haddaan la qaadin lamaba xusin xorriyaddii. Waa dhaxal uu ku
saxeexanyahay Saxardiid Maxamed Cilmi,
Bahda Hiiraan Online waxay tacsi
u direysa qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu Abwaanku ka geeriyooday,
waxaanay ilaahay u waydiinaynaa inuu janno fardawsa ka waraabiyo, inaga samir
iyo iimaan inaga siiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.