Sabti, June, 15, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu Magaalada Malabo ee dalka Equatorial uga qeyb galay shirkii Bangiga hormarinta Afrika oo uu ku matalayay Soomaaliya kaa soo looga hadlay hormarinta Dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika.
Shirka kadib waxa uu la kulmay madaxweynaha Bangiga
Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina waxuuna warbixin ka siiyay marxalada
dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay sameynayo.
Wareysi uu Siiyay TV CNBC oo ka hadla arrimaha ganacsiga
ayuu ku faahfaahiyay waxyaabaha Soomaaliya ku soo bandhigtay shirka si
gaar ah fursadaha dhaqaalaha iyo maalgashiga ee horyaala.
“Marka koowaad waxaan u sheegnay inaan leenahay kheyraad
badan waxan leenahay xeebta ugu dheer Afrika. Waxay ii sheegeen inaan
haysano mid ka mid kaluunka ugu wanaagsan ee ku jira badaha, waxaan u
sheegnay inaan aad qani ugu nahay saliida iyo gaaska. Soomaaliya waxay
noqotay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee shidaal ku jiro, waan ka
shaqaynaynaa dabcan, marka koowaad waa inaan xaqiijinaa amaanka, mida
sadaxaad waxa weeye Soomaaliya waa ay burburtay waxwalba waxay ka
bilaabanayaan meel hoose oo ay tahay in dib loo dhiso marka waxa yaala
fursado badan”
Wasiir Belye waxaa uu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgashado albaabadeeduna ay furan yihiin.
“Diyaar beynu nahay, albaabadeenu waa ay u furan yihiin
caalamka oo idil gaar ahaan ganacsatada raadinaya meel ay maalgashadaan,
waa Soomaaliya halka ku haboon waayo meelaha aad magacwdeen waan
haysanaa kheyraadkooda waxan ka shaqeynaynaa ammaanka iyo waxay
sameynaynaa shuruucdii aan idinku soo dhaweyn laheen.”
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]