4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2019
Sudan oo looga digay in ay la mid noqoto Soomaaliya iyo Liibiya

 

Sabti, June, 15, 2019 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in dalka Suudaan ay ka bilowdaan xasaraddo siyaasadeed oo sababi kara burburkii ku dhacay Soomaaliya iyo Liibiya oo kale in dalkaasi uu haleelo.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay haddii Golaha Milatariga iyo Shacabka ay ku guuldareystaan in ay soo dhisaan dowlad KMG ah oo dalka Hoggaamisa in ay dhici karto Fowdo Sababi kartaan in khalalaaso uusan xalkiisa Fududeyn in uu dalkaasi ka bilowdo.

Dowladda Mareykanka ayaa si deg deg ah ugu baaqday dhinacyadda Suudaan heshiis muhiim ah in ay gaaraan, kaasoo ku aadan dhismaha Dowlad KMG ah oo ku timaada rabitaanka Shacabka.

Tibor Nagy, kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay isha ku heyso Xaaladda Suudaan ayna ka walaacsan in uu haleelo burburkii Soomaaliya oo kale.

Nagy ayaa xusay in Mareykanka uu kala shaqeyn doono dalalka Afrika badbaadinta Suudaan.

In ka badan 100 qof ayaa la dilay ku dhowaad 500 oo qofna dhaawac ayaa soo gaaray intii lagu guda jiray howlgal culus oo laga fuliyay goob ay leeyihiin Banaanbaxyeyaasha oo ku taalla caasimadda Sudan ee Khartoum maalmihii ugu dambeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]