4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2019
Xildhibaannada Galaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

 

Sabti, June, 15, 2019 (HOL) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta dib u bilaabaan kulamadoodii kadib markii ay fasax ka soo laabteen.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku yimid hakad ka dib Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 1-aad wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa hareeyay kooram la’aan kadib markii xildhibaanada baarlamaanka oo ubadan golaha wasiirada ay soo xaadiri waayeen shirarka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa hore ugu digey xildhibaanada baarlamaanka ka baaqsashada kulamada golaha shacabka.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]