3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2019
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dad rayid ah oo lagu laayay magaalada Gaalkacyo

 

Sabti, June, 15, 2019 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka 9 ruux oo rayid oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii maleeshiyo beelleed ka careysay dilka sarkaal ka tirsanaa maamulka Galmudug si wadar ah u toogteen dadkan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka dadkan uu yimid kaddib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen xalay Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad suggida Galmudug oo lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed , balse markii danbe maleeshiyaad careysay ay toogasho ku dileen 9 ruux oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyaga oo ugu Aar-gudaya sida ay goobjoogayaashu sheegeen dilka sarkaalka.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in laga soo saaray guri loo maleynayay in ay galleen labo ka mid ah kooxdii toogashada u geysatay sarkaalka xalay la dilay.

Saraakiisha Booliska ayaa dhnakooda sheegay in dadka la dilay wali aysan xaqiijin karin in ay yihiin kuwii dilay Sarkaalka.

Waa tiradii ugu badneyd oo dad rayid ah oo mar kaliya lagu dilo magaalada Gaalkacyo kuwaa oo ka soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
 

 













Click here
6/15/2019 2:36 PM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL)–Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay labo Qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasoo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

6/15/2019 12:09 PM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL) –Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmay shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed oo soconaya muddo Afar cisho ah.

6/15/2019 11:56 AM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dilka magaalada Gaalkacyo lagu xasuuqay dad rayid ah oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo laga naxo.

6/15/2019 10:00 AM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa arin laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii lagu dilay dad ka badan 10 ruux oo guud ahaanba ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed.

6/15/2019 6:56 AM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL)-Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxana uu ka dhacay isgoyska Sayidka gaar ahaan goob lagu ilaaliyo Golaha Shacabka.

6/15/2019 5:39 AM EST
Sabti, June, 15 2019 (HOL)- Ardayda dugsiyadda sare iyo dugsiyada dhexe ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 , kaasi hal mar ka wada bilaabmayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

6/15/2019 5:36 AM EST
Sabti, June, 15 2019 (HOL)- Alle Ha u Naxariisto Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye oo ka mid ahaa Abwaanadii ka qaybqaatay halganka gumaysi diidka ee hal abuurkiisu sababay inuu xoriyadii lixdankii Soomaali ka heshay Ingiriiska ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

6/15/2019 4:10 AM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu Magaalada Malabo ee dalka Equatorial uga qeyb galay shirkii Bangiga hormarinta Afrika oo uu ku matalayay Soomaaliya kaa soo looga hadlay hormarinta Dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika.

6/15/2019 4:06 AM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dil magaalada Gaalkacyo loogu geystay 9 ruux oo ahaa dad deegaan ahaa ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

6/15/2019 2:23 AM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL)–Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in dalka Suudaan ay ka bilowdaan Xasaraddo Siyaasadeed oo sababi kara Burburkii ku dhacay Soomaaliya iyo Liibiya oo kale in dalkaasi uu haleelo.

6/15/2019 1:50 AM EST
Sabti, June, 15, 2019 (HOL)–Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta dib u bilaabaan kulamadoodii kadib markii ay fasax ka soo laabteen.