4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2019
Dalka Itoobiya oo khadkii Internetka dib loo fasaxay

 

Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Waxaa dib hawada ugu soo laabtay Internetkii dalka Itoobiya oo ilaa shalay hawada ka naqnaa, waxaana xanibnaa sidoo kale farriimaha gaagaaban ee telefanka laga isticmaalo.

Sababa Internetku u maqnaa ayaa loo aanaynayay Intixaanaadka Fasalka 12aad maalmahan socday, iyadoo laga cabsi qabay in qishka la isugu diro Internetka iyo Fariimaha gaagaaban ee telefanka.

Haddaba hadda oo dib loo fasaxay Internetkii dalka Itoobiya ayay dad badani aad usoo dhaweeyeen maadaama dadku ay siyaabo kala duwan u isticmaalayeen Internetka isla markaana shaqooyin badani ku kala socdeen Internetka.

Ardayda imtixaanaadku u socday ayaa maalinta Sabtida iyo Axadda fasax ahaan doona waxayna dib imtixaanka u gali doonaan Isniinta, xilligaa oo laga yaabo in mar kale jaro Inetrnetka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]