4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2019
Kenya : Xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay Qarax ay dhigayeen

 

Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen shalay.

Saddex ka mid ahaa Al-Shabaab ayaa isla goobta ku dhintay, halka Ninka Afaraadna meydkiisa laga helay Keyn wax yar un u jirta halka uu Qaraxu ka dhacay, isagoo isku dayay in uu baxsado, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Lamu, ahna madaxa howlgalka Keymaha Boni, Joseph Kanyiri.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow Omollo Bridge, oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee Lamu, ayay Argagixisadu doonayeen in ay la eegtaan Dadka iyo Gaadiidka halkaasi isticmaalaya.

Ciidanka Kenya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxay ka heleen, qaar ka mid ah saanaddii Millateri ee ay wateen Argagixisada , Qasnadaha rasaasta, qoraallo iyo qalab kale.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]