3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
Cumar Faaruuq Cusmaan oo loo doortay hoggaanka ugu sarreeya ee Suxufiyiinta Adduunka


Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Shirweynaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa galabta waxaa uu si aqlabayida ah ugu doortay hoggaanka ugu sarreeya ururka suxufiyiinta adduunka Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Cumar Faaruuq ayaa helay 192 cod oo ka mid ah 216dii cod ee ay dhiibteen argada ka kala timid 187 dal oo caalamka dhan ayadoo uu ka guuleystay musharrixiin ka kala socday 17 dal.

Cumar Faaruuq oo ahaa musharraxa qaaradda Afrika oo isla markaana tageero ka helaayay ergada ka kala socotay dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa sidoo kale waxaa taageero xooggan waxaa sinayay ergada ks socoto dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Spain, Ruushka, Koofurta Afrika, India iyo Brazil ayaga oo u arka Cumar Faaruuq in uu yahay qof wax badan ka qaban kara howlaha ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ horyaala.

Guusha Cumar Faaruuq oo muujineyso taageerada iyo hiilada suxufiyiinta adduunka ay u hayaan ururka NUSOJ iyo dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa haddana tilmaameysa in saameynta ay Soomaaliya ku yeelanayso saxaafada adduunka ay aad u xoogheysaneyso.

Shirweynaha IFJ ayaa sidoo kale waxaa uu maanta guddoomiye u doortay Younes Mjahed oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Morocco. Younes ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee qaarada Afrika ka socda ee loo doortay guddoomiyenimada ururka suxufiyiinta adduunka tan iyo markii IFJ la aas-aasay ee sanadkii 1926.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
6/13/2019 1:30 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Muwaadin Soomaali ah ayaa si dareen leh maanta ula wareegay furayaasha guri muddo 28 sanno si lagu sheegay xog uu ku degganaa sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

6/13/2019 1:12 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino lagaga dhagaystay wasiirka shaqo galinta Iyo Qoyska iyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, isla markaana golaha wasiirada usoo gudbiyey siyaasadihii lagu maamulayey wasaaradoodda.

6/13/2019 12:56 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadii uu ku geeriyooday taliyihii Boosliika gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

6/13/2019 12:51 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

6/13/2019 12:19 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

6/13/2019 8:58 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

6/13/2019 4:33 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidammada ammaanka ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, arrinta oo lagu sheegay in kor loogu qaaddayo awoodda Ciidammada.

6/13/2019 4:26 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor-diiq qaran ah oo loo sameynaayo dadkii lagu xasuuqay tuulada Sobane Da ee bartamaha dalkaasi.

6/13/2019 4:20 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Saddex boqol oo arday oo kuliyado kala duwan bartay ayaa ka qalin jabisay jaamacadda Green Hope , kuwaas oo ah dufcadii toddobaad ee ka qalin jabiya jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho.

6/13/2019 4:01 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ( Ethiopian Airlines)

6/13/2019 1:22 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-Tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.