3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
300 oo arday oo ka qalin jabisay jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho


Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Saddex boqol oo arday oo kuliyado kala duwan bartay ayaa ka qalin jabisay jaamacadda Green Hope , kuwaas oo ah dufcadii  toddobaad ee ka qalin jabiya jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda  qalin jabinta ardayda ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka jaamacadda, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, waalidiin iyo marti sharad kale.

Ugu horrayn, maamullaha jaamacadda Green Hope Mustaf Macallin Cabdulle, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda guusha ay ka gaareen waxbarashada ay muddada wadeen, isagoo marka u rajeeyay in cilmiga ay barteen uu u horseedo horumar.

" Ardaydaan waa arday u qalanta inay shahaado guddoomaan, waxay usoo dhabar-adeegeen waxbarashadooda kana miradhaliyeen inay maanta shahaadadda qaataan." ayuu yiri Mustaf Macallin Cabdulle.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka ee Soomaaliya,Dr Ismaaciil Yuusuf ayaa ardayda u gudbiyay farriin hambalyo ah isagoo marka ku hadlayay afka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

" Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, gaar ahaan qeybta aan ka tirsanahay ee tacliinta sare waxay ardayda usoo gudbinaysa hambalyo, waad guuleysateen jaamacadda Green Hope  way guuleysteen." ayuu yiri Dr Ismaaciil Yuusuf .

Qaar ka mid ah ardayda qalin jabisay oo dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin waxbarashadii ay soo wadeen muddada dheer ee ay maanta ka qalin jabiyeen, iyaga oo sidoo kale u mahadceliyay macallimiinta iyo maamulka jaamacadda.

Gabagabadii, Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo munaasabadda soo xirtay ayaa ku macneysay magaca jaamacadda Green Hope - doog iyo rajo, iyada oo markale ugu hambalyeesay ardayda guusha ay ka gaareen waxbarashada, waxaa kalo ay si gaar ah ugu mahadcelisay macalimiinta iyo maamulka jaamacadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
6/13/2019 3:00 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Shirweynaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa galabta waxaa uu si aqlabayida ah ugu doortay hoigaanka ugu sareeya ururka suxufiyiinta adduunka Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

6/13/2019 1:30 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Muwaadin Soomaali ah ayaa si dareen leh maanta ula wareegay furayaasha guri muddo 28 sanno si lagu sheegay xog uu ku degganaa sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

6/13/2019 1:12 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino lagaga dhagaystay wasiirka shaqo galinta Iyo Qoyska iyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, isla markaana golaha wasiirada usoo gudbiyey siyaasadihii lagu maamulayey wasaaradoodda.

6/13/2019 12:56 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadii uu ku geeriyooday taliyihii Boosliika gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

6/13/2019 12:51 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

6/13/2019 12:19 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

6/13/2019 8:58 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

6/13/2019 4:33 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidammada ammaanka ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, arrinta oo lagu sheegay in kor loogu qaaddayo awoodda Ciidammada.

6/13/2019 4:26 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor-diiq qaran ah oo loo sameynaayo dadkii lagu xasuuqay tuulada Sobane Da ee bartamaha dalkaasi.

6/13/2019 4:01 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ( Ethiopian Airlines)

6/13/2019 1:22 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-Tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.