4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Cudurka Ebola oo laga helay dalka Uganda

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) –  Ilmo shan jir ah oo qaba cudurka Ebola ayaa laga helay gudaha dalka Uganda, sida ay xaqiijisay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Sida ay sheegeen saraakisha caafimaadka Congo, wiilkani 5 jirka ah ayaa u soo talaabay xadka dhanka Uganda Isniintii isaga oo ay weheliyaan 5 ka mid ah xubnaha qoyskiisa,iyadoo hay'adaha caafimaadka iyo khubarada ay horey uga digay in haddii cudurkan uu ka soo talaabo xadka Congo ay arrintaasi tahay mid xaaladda sii murjinaysa.

Qoyska uu ka tirsan yahay ilmaha laga helay cudurka ayaa markii hore ku noolaa Uganda, balse Congo u aaday si ay u booqdaan mid ka mid ah qaraabadooda oo la ildarnaa cudurka Ebola.Qoyska oo guud ahaan ka koobnaa 14 xubnood ayaa Isniintii yimid xuduuda si ay dib ugu soo laabtaan Uganda.

12 qof oo ay 7 carruur ah ka mid yihiin 7 ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka Ebola waxaana loo gudbiyay xarun lagu karantiilo oo ku taalla dalka Congo.Balse sida ay sheegen hay'adaha caafimaadka 6 ka mid ah xubnaha qoyskaasi ayaa ka soo baxsaday xaruntaasi iyaga oo lugaynaya islamarkana si dhuumaaleysi ah ku galay dalka Uganda.

Qoyskan ayaa markii dambe lagu baaray isbataal ku yaalla Uganda halkaasi oo wiil ka mid ah la xaqiijiyay in uu cudurka Ebola haleelay.Waa kiiskii ugu horreeyay oo cudurka Ebola ah oo la xaqiijiyo dalka Uganda ee dariska la ah Jamhuuriyada dimuqradiga ee Congo.

Illaa 1,400 oo qof ayaa tan iyo bishii August cudurka Ebola ugu dhintay Congo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]