4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo War ka soo saartay xaalada magaalada Beledweyne

 

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) –Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay iska horimaad shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kaas oo uu ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka xun tahay dagaalkii ka dhacay duleedka Beledweyne isaga oo ka tacsiyadeeyay dilkii Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Wasiir kuxigeenka in Dowladda Soomaaliya ay Guddi u ,magacaabeyso Shaqaaqadaas,isla markaana baaritaan dhab ah ku sameynaya wixii sababay dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr.

“Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa magacaabeysaa guddi ka warbixiya waxa keenay Shaqaaqadii ka dhacday duleedka Baladweyne iyo cidii arrintaasi ku lug laheyd,waxana rajeynayaa in guddigaas markii la magacaabo in si dhaqsi ah uu u Shaqa bilaabi doono ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga”.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga ee ka holwgalla deegaanada Hir-Shabeelle ayuu ugu baaqay inaysan ka qeyb gelin wax khalqal gelinaya amniga iyo wax dhibaato u keenaya Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]