4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Baaritaan lagu sameynayo habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan

 

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Waxaa soconaya baaritaan la xiriira habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan.

Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla oo horay u soo noqday taliyaha Booliiska degmada Beleweyne ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka taliyaha, hasse ahaatee waxa uu dhinaca kale sheegay in si hor dhac ah ay u ogaadeen in taliyaha iyo ku-xigeenkiisa si toos ah loo toogtay iyaga oo aan wax rasaas ah ridin.

‘’Waxa aan ognahay ilaa iyo hadda waa in taliyaha iyo ku-xigeenkiisa si toos ah loo bartilmaameesaday iyadoo aysan wax xabad ah ridin ciidamadii la socday, arintaasina waxa ay aheyd xad gudub iyo qalad weyn oo la galay’’ ayuu yiri Col Cali Dhuux.

Laakiin waxaa uu sheegay in baaritaanku intaa ka badan yahay oo wali la raadinayo macluumaad la xiriira sida falku u dhacay.

‘’Dabcan marka goob lagu dagaalamo warar kala duwan ayaa ka soo baxay, wali baaritaanku waa uu socdaa, marka macluumaadka oo dhan la helo ayaan soo bandhigi doonnaa’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Taliyaha dhintay ayaa dhawaan loo dalacsiiyay xilka qeybta Booliiska gobolka Hiiraan isaga oo horay u ahaa taliyaha saldhiga Booliiska magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]