4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne iyo is-mari-waaga siyaasadeed ee sababay gacan ka hadalka

 

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Waxaa isa soo taranaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Hiiraan, gaar ahaan guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo wali ku adkeysanaya in uu yahay gudoomiyaha gobolka kaddib markii wareegto ka soo baxday madaxweynaha Hirshabeelle xilkii looga qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaanno ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka in ay arrimahooda ku dhameystaan wada hadal, iyaga oo ka digay iska horimaad kale oo ka dhacay magaalada.

Dagaal maalintii shalay ka dhacay deegaanka Kala-Beyr ee dulleedka magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow halka sidoo kalana lagu dhaaacay ku-xigeenkiisii.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Maxamed Caraale ayaa arintaan ku eedeeyay in uu ka danbeeyay Yuusuf Daba-geed oo dhinaciisa wali wax war ah soo saarin.

Guud ahaan marka la eego xaalada magaalada Beledweyne iyo deegaankii shalay dirirtu ka dhacday ayaa degan, waxaan ilaa xalay soconayay wada hadalo ay qeyb ka ahaayeen waxgaradka magaalada oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]